Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir ka tirsan DF & Fahad Yaasiin oo kulamo xasaasi ah yeeshay

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay  Waxaa natiija la’aan ku soo dhamaday oo aan laga gaarin wax horumar ah dhowr kulan oo u dhaxeeyay xubno ka mid ah dowladda Somalia oo loo diray in ay la kulmaan Fahad Yaasiin Agaasimihii hore ee Sirdoonka Qaranka si ugu damayn uu ula fadhiisto Madaxweyne Xassan Sheekh.

Maalmo ka hor wadanka Turkiga waxaa isku arkay Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Fahad Yaasiin agaasimihii hore ee NISA.

Wasiir Faarax iyo Fahad ayaa la sheegay in wax weyn oo la xariira aragtidii la socday aan laga gaarin.

Waxaa jiray kulan hore oo ahaa bila ka hor oo agaasimaha NISA Sanbaloolahe uu Turkiga ku soo arkay Fahad Yaasiin kaasoo lagu doonayay in aragtida siyaasadeed ee Fahad iyo Villa Soomaaliya laysku soo dhaweeyo waxaana kulanka ujeedkiisa ugu dambeeya ahaa in uu la kulmo Madaxweyne Xassan Sheekh balse ma noqon mid mira dhal ah.

Related posts

Weerar dad lagu dilay laguna gubay Gaadiid Raashin waday oo ka dhacay Hiiraan

Cabdi Cade

Wasiir C/risaaq oo ka hadlay sababtii xilka looga qaaday

Caydiid Ali

Farmaajo oo khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---