Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu RW ku xigeenka ku soo arkay Xafiiska Hantidhawrka?

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, oo kaalin muuqata ku leh taabbaggelinta hufnaanta, isla-xisaabtanka, iyo hirgelinta maamul-wanaagga. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda DanQaran ee lagu xaqiijinayo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Intii uu ku sugnaa Xafiiska, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa kulan la yeeshay Hantidhawrka Guud iyo mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska. Mas’uuliyiintaasi ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan dib-u-habeynta sharciyadda, istiraatiijiyadda, iyo qorshayaasha lagu xoojinayo shaqada Xafiiska Hantidhawrka Guud. Waxaa kale oo ay faahfaahin ka bixiyeen horumarinta hannaanka baarista si loo waafajiyo nidaamyada caalamiga ah ee hantidhawrista.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku bogaadiyey Xafiiska Hantidhawrka dadaallada ay ku wadaan xaqiijinta hufnaanta iyo daahfurnaanta hay’adaha dowladda, isagoo tilmaamay in dib-u-habeynta nidaamyada dowladda ay udub-dhexaad u tahay Qorshaha Isbeddelka Qaran.

“Xukuumadda DanQaran waxay mudnaan gaar ah siineysaa taabbaggelinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, taasoo saldhig u ah maamul-wanaagga. Waa waajib in hay’adaha dowladda loo hagaajiyo si ay uga tarjumaan rabitaanka iyo himilada shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka.

Related posts

Aabbaha dhalay Luul Cabdicasiis oo u quus gooyay reerka Sayid-cali Macalin

Cabdi Cade

Shirkii u soo xirmay DF & afar dowlad goboleed

Caydiid Ali

Gaari Rakaab ah oo lagu qarxiyay Duleedka Balcad iyo dad badan oo ku dhamaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---