Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo la soo baxay xeelad cusub & Israel oo ka naxday

Xoogaga marinka Qasa ee Xamaas, ayaa isbeddel ku sameeyay howlgallada ka dhanka ah ciidanka Israa’iil ee halkaas ku sugan iyagoo la soo baxay xeelado cusub oo ay ku naafeynayaan ciidanka Israel

Goob kasta oo ku taalla waqooyiga Qasa ayaa noqotay meel lagu qarxinayo ciidanka Israa’iil ee ku sugan, halka toddobaad si joogta ah ay Xamaas gantaallo ugu weerarrayso gudaha Israa’iil.

Wargeyska ka soo baxay ee Israa’iil ee Jerusalem Post ayaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Israa’iil wuxuu ka soo xigtay xaaladda darran ee ay ku wajahayaan waqooyiga Qasa, isagoo sharraxaya wuxuu yiri;

“Xeeladaha dagaalka cusub ee Xamaas ee waqooyiga Qasa ayaa halis gelinaya ciidamadeena ka howlgalla halkaas Xamaas waxay diyaarinaysaa dabino ku dhawaad ​​dhismo kasta oo Qasa ku yaalla.”

Dhinaca kale, Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz  wuxuu maanta ugu hanjabay Xamaas haddii aysan oggolaan sii deynta maxaabiista inay si adag iyo duqeyn aysan horey u arag ka geysan doonaan marinka Qasa.

Wada-xaajoodka lagu raadinayo heshiis xabbad-joojin ah ayaa lagu wadda toddobaadka dambe inuu ka bilowdo Dooxa, xilli Xamaas ay ku adkaysanayso go’aankeeda soo afjarida dagaalka Qasa hadii la doonayo iney sii deyso maxaabiista

Related posts

Muxuu Isbitalka Al-Shifa xudun ugu noqday dagaalka Israel iyo Xamaas?

Caydiid Ali

RW Najib Mikati oo gacanta ka taagay in dalkiisu ka qeyb galo dagaalka Israel

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo ku baaqday xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha Gaza

Cabdi Cade
Taboola Ads ---