Odayaasha Dhaqanka beesha Xawaadlle ayaa isku raacay in la aaso Meydadka Askarta Ciidanka XDS ka tirsanaa ee lagu dilay degmada Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Shirka oo uu shir guddoomiyay Ugaaska beesha Xawaadlle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayey Odayaasha dhaqanka beesha Cali Madaxweyne oo ka duulaya go’aankoodii shirka Maxaas iyo kulanka Taliyaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo leysku afgartay in Meydadka Askara la aaso ayey Odayaasha dhaqanka beesha Cali Madaxweyne waxay Odayaasha beesha Xawaadlle usoo jeediyeen dhaqanka kale ee Xawaadlle in aas Qaran loo sameeyo Meydadka Askarta
Odayaasha dhaqanka beesha Xawaadlle ayaa aqbalay soojeedinta Nabadoonada beesha Cali Madaxweyne waxaana ugu dabeyn si midnimo ah leyskula qaatay in Meydadka Askara Aas Qaran loo sameeyo
Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Wasiirka Badroolka Xukumadda Soomaaliya Mudane Daahir Shire Maxamed Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Oowbakar Dhagaweyne, ayaa juhdi badan ku baxshay sidii meydadka Askarta Aas Qaran loogu sameyn lahaa
Dhowaan ayaa askartan oo lix gaareysa waxaa lagu dilay degaanka Ceel baraf ee gobolka Sh/dhexe xili ay fasax ahaateen kuna sii jeedeen qoysaskooda ka dib markii ay wadada u galeen dabley hubeysan oo ka soo jeeda beesha abgaal, iyagoo u laayey sababo la xiriira aano qabiil, dowlada ayaana dedaal ugu jirta sidii loo soo qaban lahaa kooxda falka geysatay.