Allbanaadir.com
NEWS

Khilaaf ka dhex curtay dowlada cusub ee Siiriya & Lubnaan

Dawladda Suuriya ayaa xirtay xadka  Lubnaan, iyadoo sidoo kale la joojiyay dal ku galkii bilaashka ahaa ee muwaadiniinta Lubnaan ay ku gali jireen Suuriya, kuwaasoo looga baahanayo wixii ka dambeeyay Jimcihii shalay inay soo qaataan fiisaha dal ku galka ka hor inta aysan soo galin Suuriya

Talaabadan ayaa timid kaddib markii isku horimaad hubaysan uu shalay ka dhacay xadka, halkaasoo la sheegay inay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen ciidanka Lubnaan, sida ay ku warrantay wakaaladda warar ee AFP.

Lubnaan ayaa sheegtay ugu yaraan 4 askari in looga dhaawacay inta ay socotay is rasaaseyn dhexmartay ciidanka xadka ee labada dal, go’aanka lagu joojiyay dal ku galka ayaanna soo bandhigaya khilaafka ugu horreeyay ee diblomaasiyadeed ee labada dal.

Dhinaca kale Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay wasiirka arrimaha dibadda Suuriya, Asaad Hassan al-Shaibani inuu toddobaadkan booqasho rasmi ah ku tagi doono dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Jordan , halkaasoo uu wada-hadallo kula yeelanayo wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jean-Noël Barrot iyo Jarmalka, Annalena Baerbock ayaa iyana shalay gaaray magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, halkaasoo ay wada-hadallo kula yeelanayaan hoggaanka sare ee dawladda Suuriya.

Related posts

Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Nabad sugida K/Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey duqeymo iyo dagaalo toos ah oo ka socda Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo Al Shabaab oo socda iyo Dowlada oo ka hadashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---