Allbanaadir.com
NEWS

Haweeneyda ugu da’da weyn adduunka geeriyootay iyada oo jirta …

Haweeney u dhalatay dalka Japan, oo diwaanka Guinness World Records uu u aqoonsaday haweeneyda ugu da’da weyn adduunka, ayaa geeriyootay iyadoo 116 jir ah.

Tomiko Itooka ayaa ku geeriyootay guri dadka da’da ah lagu xannaaneeyo oo ku yaalla magaalada Ashiya.

Waxay noqotay qofka ugu da’da weyn adduunka kadib markii Maria Branyas Morera oo Spain u dhalatay ay geeriyootay bishii August 2024 iyadoo jirtay 117.

Ms Itooka ayaa dhalatay May 1908 – lix sano kahor Dagaalkii Koowaad ee Adduunka iyo isla sanadkii gaariga nooca Ford Model T lagu daah-furay Mareykanka.

Bishii September 2024 ayaa la xaqiijiyay inay tahay qofka ugu da’da weyn adduunka.

Related posts

RW Khayre oo kormeeray Bankiga dhexe & xarumo uu ka socdo dib u dhis (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Aadan Macalin Cali oo isku soo dhiibay ciidanka DF ee Xarardheere

Caydiid Ali

Ganacsade hubka usoo iibin jiray Al Shabaab oo la waayay xilli Maxkamad laga sugayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---