Allbanaadir.com
NEWS

Abiy Axmed oo si aan caadi aheyn loogu so dhaweeyay Jigjiga (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo , ayaa saakay oo Sabti ah si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Soo dhaweyta Ra’isul Wasaare Abiy Axmed waxaa safaf dhaadheer u galay madaxda dowlad deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jigjiga, waxa ayna dadka ruxayeen calamo qoyan iyo sawirada Abiy Axmed.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo safar shaqo ku yimid magaalada Jigjiga ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaato madaxda dowlad deegaanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee iska leh magaalada Jigjiga.

Abiy Axmed , ayaa inta uu joogo magaalada Jigjiga la filayaa in uu xarigga ka jaro mashaariic dhowr ah oo dowladda dhaxe ka fulisay magaalada Jigjiga, waxa uu sidoo kale kormeer ku sameyn doonaa mashaariicyo kale oo ka socda caasimadda dowlad deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray Geerida Sheekh Khaliifa Binu Sayid

Cabdi Cade

(Akhriso) War-Murtiyeed ka soo baxay shirkii Madaxda Puntland, K/Galbeed & Hirshabelle

Caydiid Ali

Xiliga ay dalka ka bilaabanayaan duulimaadyada Xajka sanadkan oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---