Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyihii hore ee Hiiraan oo loo diiday in garoonka Muqdisho ka dhoofo

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax, ayaa saakay ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa nabbadsugida waxa ay u diideen in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xilli uu kusii jeeday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qoraal uu Cabfifitaax Xasan Afrax soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in saraakiil katirsan ciidanka NISA ku wargaliyeen in uusan u dhoofi karin magaalada Baladweyne lagana reebay safarkii uu halkaasi ku tagi lahaa.

Waxa uu sheegay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan in dowladda Soomaaliya kula kacday xadgudub iyo colaadin, waxa uuna falkan lagula kacay ku wargaliyay guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, waxa uuna ku tilmaamay falka lagula kacay wax ka baxsan sharciga iyo qaanuunka dalka.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaana caddeeyay in falka lagula kacay wax kasta oo xumaan ah oo ka dhashay ay masuuliyeeda qaadi doonto dowladda Soomaaliya, waxa uuna sheegay in falka lagula kacay uu yahay wax aad looga xumaado.

Dowladda Soomaaliya ,ayaan ka hadlin eedeyntan ka timid guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax, waxaana falkan uu imaanayaa xilli gobolka Hiiraan ay joogaan taliyaha ciidanka NISA iyo masuuliyiin kale, kuwaa oo xal u raadinaya askartii lagu laayay deegaanka Ceelbaraf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar culus oo lagu qaaday saldhig ciidamada Somaliland ku leeyihiin magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan deg deg ah isugu yeeray Guddiga Amniga Qaranka

Cabdi Cade

Tiro Xildhibaano ah oo gudbiyey Mooshin ka dhan ah..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---