Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka xoogga oo howlgal ka sameeyay Deegaano ay Al Shabaab joogeen

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, ayaa sameeyay howlgallo ka dhan ah kooxda Al Shabaab , kuwaa oo ku sugnaa deegaanno kuyaalla dulreedka magaalada Xufur.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamo cusub oo dhawaan kusoo biiray milatariga Soomaaliya laguna tababaray gudaha degmada Xudur, ayaa la sheegay in waxyeelo lagu gaarsiiyeen dagaallamayaal katirsanaa Al Shabaab oo ku sugnaa duleedka caasimadda gobolka Bakool.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa la sheegay in ay cagta mariyeen xubno katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaannada Banjinaay, aboore ilaa teed oo u dhaxeeya degmooyinka Xudur iyo Ceel-berde oo kawada tirsan gobolka Bakool.

Sida aan wararka ku helnay ciidankan ayaa dib uga laabtay deegaannada ay ka sameeyeen howlgalka, ciidanka dowladda ayaana inta badan howlgalo gaadmo ah ka fuliya deegaanno ay joogaan Al Shabaab, iyadoona ciidamada dib uga laabtaan deegaannadaasi oo ma kale kusoo laabtaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada golaha shacabka oo Codka Kalsoonida u qaaday Ra’isul Wasaare Xamse

Cabdi Cade

Gabar 14-sano jir ah oo Maxkamad ka furtay Nin Aabaheed si qasab ah ugu daray !!

Cabdi Cade

Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland oo shuruudo adag ku xiray ka qeyb galka Doorashada 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---