Allbanaadir.com
NEWS

Masar oo ka carootay tallaabo uu qaaday Hoggaamiyaha Suuriya amarna soo..

Dawladda Masar ayaa lagu warramaya inay dalkeeda ka mamnuucday muwaadiniinta Suuriya , sababo la xiriira inay dawladda cusub ee Suuriya howlgalisay oo doorar laga siiyay nidaamka muwaadiniin Masaari ah oo ka mid ah liiska shaqsiyaad ay doonayeen hay’adaha ammaanka ee Masar.

Dowladda Masar ayaana ka carootay doorka muwaadiniin u dhashay dalkeena oo kamid ahaa xoogaga hubeysan ee Suuriya joogay loo siiyay dhalasho iyo darajooyin ciidan.

Xukuumadda Masar go’aanka kasoo baxay waxaa uu saameyn karaa muwaadiniinta Suuriya ee ku sugan gudaha Masar oo wajihi kara inan loo kordhin fiisaha dal ku jooga iyo dalxiiska, sida uu ku warramay telefishinka laga leeyahay dalka Ruushka ee RT.

Go’aanka wuxuu yimid, iyadoo la xasuusto inay hay’adaha ammaanka ee Masar xabsiga dhigeen in ka badan 30 Suuriyiin ah oo isku dayay inay u dabaal-deggaan xukunka laga tuuray Bashaar Al-assad. Waxay u muuqataa Qaahira inay ka fogaanayso in wax saameyn ah uu ku yeesho isbeddelka ka dhacay Suuriya.

Hoggaamiyaha dalka Suuriya , ayaa dhawaan ku abaalmariyay dagaalyahanno ajaaniib ah in ay qaataan dhalashada dalka Suuriya, sidoo kale xilal ka qabtaan ciidanka milatariga Suuriya.

Related posts

Aqalka Sare oo maanta meel mariyay Sharciga Doorashooyinka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada guddoonka Golaha Wakiillada Puntland oo la magacaabay

Cabdi Cade

Saraakiishii dhowaan ku dagaalamay duleedka degmada Kaaraan oo la kulansiiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---