Booliiska dalka Kuuriya Koonfureed, ayaa saakay ku guuldareestay in ay soo xiraan Madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaasi Yoon Suk Yeol , kaa oo loo jaray waaran soo qabasho ah , si loo horgeeyo maxkamad ku qaadeysa dacwado lagu soo oogay.
Ciidamada booliiska iyo kuwa la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa saakay u dhaqaaqay hoyga Madaxweynihii hore ee Koonfurta Kuuriyada, hasa ahaatee waxaa booliiska kahor yimid qaar badan oo kamid ah taageerayaasha Madaxweynaha iyo ilaaladiisa.
Iska horimaad ayaa ka dhacay bannaanka guriga Yoon Suk Yeol , ilaalada Madaxweynaha xilka laga riday ayaana ka biyo diiday in lasoo xiro, waxa ayna sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay difaacaan Madaxweynaha oo ay sheegeen in uusan laheyn wax dambi ah.
Ciidamada booliiska ee doonayay in ay soo xiraan Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed ayaa dib ugu laabtay xarumahooda ,kaddib markii ku guul dareesteen in lasoo xiro, waxaana guriga Madaxweynaha isugu soo baxay taageerayaal badan oo diidan in la xiro.
Madaxweyne Yoon Suk Yeol , waxaa ku socda baaritaan ku saabsan ku takri falka awoodiisa iyo kicinta kacdoonka dalkaasi, markii uu isku dayay inuu soo rogo xaalad militari oo degdeg ah horaantii December, taas ayaana soo dedejisay in Baarlamaanka dalkaasi xilka ka ridaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com