Fal uu ku kacay askari u dhashay dalka Zambia, ayaa hadal heyn badan ka abuuray warbaahinta dalkaasi iyo baraha bulshada, kaddib markii askarigan uu habeenkii sannandka cusub soo galayay uu xabsi kasii daayay maxaabiis dambiyo kala duwan u xirneed.
Askari lagu magacaabo Titus Phiri, oo katirsan waaxda dambi baarista dalka Zambia, ayaa la xiray , kaddib markii uu xabsi kasii daayay maxaabiis halkaasi ku xirneed, askariga ayaa la sheegay markii uu xabsiga kasii deynayay maxaabiista uu cabsanaa miirkiisana uusan joogin.
Baare Titus Phiri, ayaa saldhiga Leonard Cheelo ee caasimadda Lusaka kasii daayay 13-maxbuus, waxa uuna askarigan markii uu falkan ku kacay kaddib la sheegay in uu goobta isna ka baxsaday, balse markii dambe lasoo qabtay maadaama uu cabsanaa meel dheerna uusan tagin.
Maxaabiista xabsiga laga sii daayay ayaa la sheegay in wali baxsad ku jiraan, waxaana dadkan sida lama filaanka ah xabsiga uga baxay horey loogu soo xiray dambiyo kala duwan ay kamid yihiin dhac iyo fal dambiyeedyo kale.
Afhayeenka booliiska dalka Zambia, Rae Hamoonga, ayaa sheegay in dambi baaraha uu qaatay furihii xabsiga uuna sii dayay maxaabiis halkaasi ku xirneed habeenkii sannadka cusub, waxa uuna xusay in askariga xilliga uu falka ku kacayay uusan joogin miirkiisa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com