Allbanaadir.com
NEWS

Danjire Cagabaruur oo ka digay halis ku soo wajahan Somalia

Intii aysan dowladii dhexe gabi ahaanba burburin waxaa baaq xal raadin ah  soo saaray waxgaradkii soomaaliyeed sanadkii 1990-kii, oo ay saxiixeen in ka badan 100 qof oo caan ah oo loo yaqaanay(Somali Manifesto Group), kuwaas oo ay ka mid ahaayeen hoggaamiyeyaal soomaaliyeed oo la ixtiraamo, culumo, aqoonyahanno, iyo odayaal ka tirsan bulshada rayidka ah.

Baaqaas taarikhiga ahaa wuxuu ku bilowday bayaaan culus oo oranaya: “Annaga oo ah odayaasha hoos ku saxiixan, oo ka qaybqaatay halgankii qaranimo-raadinta, si adag oo midaysan ayaan u dareenay inaanan sii ahaan karin daawadayaal aan waxba ka qaban, sidoo kalena aan iska indhatiri karin waajibaadka iyo mas’uuliyadda naga saaran dadkeena iyo dalkeena.”

Baaqa waxgaradka  wuxuu noqday dharbaaxo culus oo ku dhacday nidaamkii  waqtigaas, kaas oo ku guuldaraystay inuu qaato xeelad ka bixitaan oo wanaagsan si loo badbaadiyo dhaxalkiisa iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed, kana hortago dagaalka-sokeeye ee sii xumaanayay.

Saxiixayaashii geesinimada lahaa ee baaqii waxgaradka ma aysan ka gamban digniinaha ay si cad ugu sheegeen in Soomaaliya marayso meel halis ah oo kala bax ah. Waxay si dhab ah u soo bandhigeen hindise xallin colaadeed oo qeexaya waddada horay loogu socdo si loo badbaadiyo dalka.

Wadankeena weli wuxuu wajahayaan qatara fara badan sida kala qaybsanaan, shisheeye ku xadgudbaaya madax banaanideena, kooxo nabad diid ah iyo dagaalo sokeeye.

Sida aan la wada socono  01 Jan, 2024 waxaa dalkeena ku soo xadgudbay dowlada  Ethiopia ka dib markii ay la saxiixatay maamulka  Somaliland ee Soomaaliya waxa ay ugu yeertay isafgarad (MoU) iyadoo ula dhaqantay sida dal madax-banaan. Weli Ethiopia ma jirto meel ay si cad uga laabatay isafgardkaa waana qatar weli taagan.

Xiligaan la joogo waxa muuqata in ay yaraatay shakhsiyaad daacad ah oo diyaar u ah inay  madaxda qaranka runta u sheegi kara, siiyaana talo aan  dano gaar ah laga lahayn, kaliya wadanka looga bad baadinaayo  khataraha  ku soo fool leh iyo rabshadaha joogtada ah ee weli ragaadinaya Soomaaliya.

Xilliyada colaadda, amniga qaranka wuxuu noqdaa mudnaanta ugu sarreysa, iyadoo waxyaabo kale hoos loo dhigayo.

Sidaas awgeed, sababta hoos u dhaca Soomaalida oo dad badan ka yaabisa waxay salka ku haysaa yaraanta waddaniyadda iyo hoggaaminta waxtarka leh


Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) 
Safiirkii hore ee Somalia u joogay Uganda

Related posts

Madaxweyne Deni oo fariin u diray masuuliyiinta maamulka Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Dowlada Somalia oo war ka soo saartay dagaalka ka qarxay Khartuum

Caydiid Ali

Waare: “Cid kasta oo ku lug leh kala qeybinta Maamulka Galmudug waa iney joojisaa”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---