Allbanaadir.com
NEWS

Dhimashada weerarkii ka dhacay New Orleans oo korortay

Dhimashada ka dhalatay weerarkii ka dhacay maalintii koowaad ee sannadka cusub xaafad caan ah oo loo dalxiis tago oo ku taal magaalada New Orleans , gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka ayaa gaartay 15 qof iyo dhaawaca in ka badan 30 kale, iyadoo la shaaciyay xogta qofka fuliyay weerarka oo adeegsaday gaari uu si xowli ah u ka xeeyay iyo rasaas.

Shamsud-Din Jabbar, oo 42 jir ah ayaa fuliyay weerarka, wuxuu ahaa muwaadin Mareykan ah iyo askari hore oo ka tirsanaa ciidanka Mareykanka oo ka soo dagaallamay Afgaanistaan. Wuxuu ku dhintay isagoo ay rasaas is dhaafsanayeen ciidanka booliiska, iyadoo markii dambe gaarigiisa laga helay calanka Daacish iyo walxaha qarxa, sida ay sheegtay CNN.

Wuxuu ku bilowday sannadka 2025 iyadoo ay sare mareen dhacdooyinka la xiriira kooxda Daacish, in weerarka ka dhacay New Orleans uu dhaliyay khasaare badan iyo magaca Daacish oo laga maqlayo meelo badan oo dunidda ah illaa markii u horreysay ay gudaha Soomaaliya ka geysatay Daacish weerar ay u adeegsatay tiradii ugu badnayd oo ajaaniib ah oo ka dhacay Puntland, kuwaasoo dhammaantod isku soo xiray waxyaabaha qarxa iyo magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka oo heegan la galiyay oo ay ku jirto caasimadda Washington, D.C. , waxay suuragal ka dhigaysa inuu Mareykanka ku dhawaaqo dagaal caalami ah oo ka dhan ah Daacish.

Mid ka mid ah waxyaabaha waxtarka u leh ee ku dhawaaqista dagaalka Daacish uu u adeegsan karo Mareykanka waa inuu heli karo hab uu ku baajin karo iskudayga Turkiga iyo dawladda cusub ee Suuriya ay ku doonayaan in hubka laga dhigo ciidanka kurdida ee isugu yeera ciidanka dimuqraadiga Suuriya (SDF) , kuwaasoo hadda ku andacoonaya inaysan suragal ahayn hub ka dhigis, sidoo kalena weerarrada ay la kulmayaan ay ka dhalan karto in awoodda Daacish ay dib usoo laabato, sabab la xiriirta in ka badan shan iyo toban kun (15,000) oo maxaabiis sare oo ka tirsan Daacish ayaa ku xiran ugu yaraan 14 xabsi oo ay maamullan SDF oo ku yaalla gudaha Suuriya.

Related posts

Xafiiska Hanti Dhowrka Guud oo War ka soo saaray heshiiskii uu saxiixay Wasiirka batroolka

Caydiid Ali

Taliska Booliska Muqdisho oo shaaciyey iney fashiliyeen labo qarax

Caydiid Ali

Dagaalkii gobolka Nagorno-Karabakh oo dib u billowday iyo Mareykanka oo baaq kasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---