Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo kulan isla xisaabtan la qaatay hoggaan ciidan (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan gaar ah maanta la qaatay hoggaanka Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulan ayaa la xiriiray islaxisaabtan shaqo iyo dardaaran ku aadan fulinta howlaha loo igmaday, waxaana goob joog ka ahaa kulankan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha guud ee xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Ismaaciil Cali Sheikh Nuur.

Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Dowladda Hoose ee Xamar Janaraal Maxamed Carabow Cali ayaa ugu horeyn warbixin kooban ka bixiyay qaabka uu u howlgalo Ciidanka Ilaalinta Deegaanka, qeybaha uu ka kooban yahay, isbedelka dhinaca tayada ciidanka iyo caqabadaha heysta ee u baahan in laga gudbo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa faray saraakiisha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka in ay dardargaliyaan ilaalinta nadaafada, bilicda Caasimadda, kor u qaadista dakhliga iyo in loo turo oo si dabacsan loola dhaqmo bulshada magaalada.

Related posts

C/rashiid Janan oo deg deg uga soo baxay Kenya, ka dib hadalkii amnesty, kana degay Gedo

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Joachim Waern

Cabdi Cade

Jubbaland oo isbedel ku sameysay Jadwal doorasho oo ay horey u shaacisay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---