Allbanaadir.com
NEWS

Magacyada dableydii dishay Askartii lagu laayay Ceelbaraf oo la shaaciyay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta shaacisay magacyada dableydii ka dambeysay falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo lagu dilay askar katirsaneyd ciidanka xoogga dalka oo kusii jeeday Hiiraan.

Dableyda dilka geesatay ayaa askarta katirsan ciidanka xoogga dalka u dishay kaliya heybta ay kasoo jeedaan oo colaad kala dhaxeysay, waxaa sidoo kale la sheegay in askarta la dilay oo gaareysa ilaa lix askari sidoo kale ka qaateen qoryihii ay wateen.

Kooxdan dilka geesatay oo gaaraya 13-qof oo labo kamid ah haween yihiin ayaa hadda ku jira baxsad, waxa ayna maxkamadda ciidamada qalabka sida u jartay waaran soo qabasho ah kooxdan hubeysan ee ka dambeeyay falkii dadka badan ka careysiiyay ee ka dhacay Ceelbaraf.

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa baadigoob xooggan ugu jira dableydan dilka u geesatay askarta katirsaneyd ciidanka xoogga dalka, waxa ayna taliska milatariga ballanqaadeen in lasoo qaban doono kooxdan lana horgeyn doono caddaaladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda dadaal badan ugu jirta sidii looga hortagi lahaa colaad hor leh oo ka dhalata dilka askarta loo geestay, waxa ayna dowladda wafdi masuuliyiin ah u dirtay gobolka Hiiraan , si ay xiisada u dejiyaan ugana shaqeeyaan in la aaso askarta la dilay .

Halkan ka akhriso magacyada kooxda dilka geesatay ee baxsadka ah.

1-Aweys Cali Hubdiin

2-Cabdishakuur Buraal Calasow

3-Xuseen Nuur Cali (Indhoole)

4-Daa’uud Maxamuud Jiinle

5-Qaasim Cabdi Cariif

6-Nuur Maxumad Jimcaale

7-Cumar Axmed Cabdi

8-Maxamed Axmed Cabdulle

9-Maxamed Catoosh

10-Nuur Tuxubow Turbaaye

11-Xasan Muxumad Macalin (Xasan Qori)

12-Shugri Mukhtaar Yuusuf (Shugri Buunshe)

13-Sahra Cabdi Sheekh

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal xooggan oo ka qarxay magaalada Baladweyne

Cabdi Cade

COVID-19: Ra’isul Wasaaraha Britain oo galay xaalad deg deg ah oo Caafimaad

Caydiid Ali

Qareenadii Difaacayay Donald Trump oo dhabarka xijiyay iyo Walaac lasoo darsay Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---