Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay magacaabis la sameeyay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, kaas noqon doona Mudane Axmed Xuseen Cilmi.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ah in Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, ay xubin ka noqoto Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mundane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, qiimeynta wax-qabadka Wasaaradaha Dowladda— sharciga nidaamka Xukuumadda iyo abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la doonayo in dalkeenna laga hirgaliyo.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya shirka ay maanta yeesheen ayaan looga hadlin dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qaar kamid ah gobolada dalka iyo doorka dowladda ee looga fadhiyay in ay xal u hesho colaadahaasi.

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil Muqdisho loogu geestay Nadiir Maxamed Kheyre

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo Eedeyn culus u jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Kenya oo tijaabineysa in Dhiiga cad lagu daweyn karo dadka qaba Caronavirus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---