Allbanaadir.com
NEWS

Sanbaloolshe oo gaaray Baladweyne iyo Wadahadallo xasaasi ah oo socda

Waxaa saakay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaray taliyaha hay’adda nabbadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe, oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Taliye Sanbaloolshe , ayaa kulamo xal loogu helayo askartii lagu laayay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe saakay ka wada magaalada Baladweyne, waxa uuna kulamo la leeyahay odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle iyo odayaal ka socday beesha Abgaal oo Baladweyne gaaray.

Sida aan wararka ku heleyno wadahadalka Baladweyne ka socda ,ayaa salka ku haya sidii maka hore loo aasi lahaa meydadka askartii lagu laayay deegaanka Ceelbafar oo muddo isbuuc ku dhaw ku jira filinjeer, iyo sidii xal looga gaari lahaa kiiskaasi carada badan abuuray.

Taliyaha hay’adda NISA Sanbaloolshe, ayaa dadaal badan ugu jira sidii odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle ugu qancin lahaa in la aaso meydadka askarta la dilay, sidoo kale dowladda uga dambeeyaan wiilasha la dilay maadaama ay ahayaeen askar dowladeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa xal u raadineysa askarta lagu laayay deegaanka Ceelbaraf oon wali lasoo qaban ragii dilkaasi fuliyay, waxa ayna dowladda Baladweyne u dirtay wafdi isugu jira wasiirka Batroolka, taliyaha NISA iyo xildhibaanno, si kiiskan taagan xal loogu helo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afgembigii ka socday Bolivia oo fashilmay & Jen. Juan José oo la xiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Dil saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Farmaajo & Rooble oo Isfaham hordhac gaaray iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---