Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo digniin amni soo saartay xilli Howlgal culus bilaabanayo

Maamul goboleedka Puntland, ayaa isku diyaarinaya duullaan ka dhan ah kooxaha hubeysan ee Daacish iyo Al Shabaab ee ku sugan deegaannada maamulkaasi, waxaana hadda soo baxaya digniino amni oo la xariira weeraro ay fulin karaan kooxahaasi weerarka lagu yahay..

Saraakiisha amniga u qaabilsan maamulka Puntland , ayaa soo saartay digniin amni oo ku saabsan in taxaddar dheeri ah laga muujiyo falalka amni-darro oo laga cabsi qabo  kooxaha argagixisada ah ka samayn karaan magaalooyinka waaweyn e Puntland.

Afhayeenka booliska  Puntland G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed, ayaa ugu baaqay laamaha amniga in ay galaan feejignaan dheeri ah, waxa uu sidoo kale shacabka Puntland ka codsaday in taxadar dheeraad muujiyaan si looga hortago dhagaxrat kooxaha argagaxisada uu ku tilmaamay.

“Waxaa la faraya ciidamada magaalooyinka waaweyn iyo kuwa yar yar amnigoda sugaya in ay taxaddar dheeri ah muujiyaan oo ay xil iska saaraan dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo hubinta qof islamarkaana waajibkooda ka gutaan, sidoo kale waxaa la farayaa ciidamada in ay hubiyaan gaadiidka iyo dadka safarka ah , si aysan argagaxisada ugu soo dhax dhuuman” ayuu yiri afhayeenka booliiska Puntland.

Afhayeenka ayaana si gaar ah ugu baaqay dadka shacabka ah in ay yareeyaan isu imaatinka goobaha dadweynaha isugu tagaan sida hoteelada iyo goobaha kale ee ganacsi , waxa uuna ugu baaqay haddii ay arkaan wax amniga liddi ku ah ku wargaliyaan laamaha amniga.

Digniintan amni ayaa kusoo aadeysa xilli kooxda Dacaish labo maalin kahor weerar ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaadeen goob ay joogeen ciidamada Puntland ee isku diyaarinaya howlgalka buuraha gobolka Bari looga sifeenayo kooxaha argagaxaisada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog ku aadan sida uu u dhacay Dilka Gudoomiyihii degmada Hodan iyo Saraakiisha loo …

Cabdi Cade

Xuutiyiinta oo Israel ku duqeeyey Diyaaradaha Drooniska Is-qarxinta ee Kamikaze

Cabdi Cade

Golaha amaanka ee Q/Midoobay oo kulan xasaasi ah ka yeeshay Xaalada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---