Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo 54-sanno kaddib ku biirtay Golaha Ammaanka ee Q/M

Dalkeenna Soomaaliya ayaa 54-sanno kaddib  si rasmi ah shalay oo Arbaco aheyd ugu biirTay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo horay loogu doortay kursiga xubin aan joogto aheyn sanadaha 2025-2026.

Somaliya ayaana ka mid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aanan joogtada aheyn. Waxay kursigan ku matali doontaa Bariga Africa muddo laba sannadood ah oo ka billaabatay 1-di bishan January ee sannadkan.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle), ayaa sheegay in ay ka go’an tahay Soomaaliya ilaalinta axdiga Qaramada Midoobay, waxa uuna intaa ku daray in ay Soomaaliya u heelan tahay nabadda iyo amniga caalamka.

Soomaaliya ayaa booskan  waxa loo doortay bishi June ee sannadki aanu kasoo gudubnay ee 2024-ki. Waxana ay isku mar shalay Golaha Ammaanka iskula soo biireen dalal ay kamid yihiin  Pakistan, Panama, Denmak iyo Giriigga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Koox Yurub ka dhisan oo Taangi dagaal hordhigtay Garoonkeeda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo qaaday talaabo lagu amaanay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo War kasoo saaray doorashadii looga adkaaday Musharaxii uu watay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---