Allbanaadir.com
NEWS

Boqolaal Yuhuud ah oo xoog ku galay Masjidka Al-Aqsa & caro ka dhalatay

Wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa ayaa ku warrantay in 632 Israa’iiliyiin ah ay xoog ku galeen masaajidka barakaysan ee Al Aqsa

Waxaa la sheegay iney ku xad-gudbeen goobaha ay ku cibaadaystaan muslimiinta, halka sidoo kale loo diidday Falastiiniyiinta inay gudaha u galaan xaafadaha qadiimiga ah ee Qudus oo uu ku jiro masjidka Al Aqsa.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay caro xoogan iyo iska hor imaadyo dhexmaray falastiiniyiinta iyo ciida,mada Yuhuuda ee dhulkooda xoogga ku heysta

Dhinaca kale, Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth  ayaa maanta ku warramay inay Israa’iil qaban doonto kulan heer wasiir ah oo looga hadlayo  in la caddeeyo masiirka marinka Qasa ee marka dagaalka uu dhammaado, iyadoo warbixinta lagu sheegay in ajandahu uu yahay sidii loo heli lahaa beddelka Xamaas ee maamullaya marinka Qasa, xilli uu horey u sheegay Netanyahu inay ciidanka Israa’iil sii joogi doonaan Qasa , marka uu dagaalka dhammaado.

Go’aamada la xiriira waxa ka dambeeya dagaalka Qasa , horey Xamaas ayaa ku sheegtay arrin ay tahay inay ka hadlaan Falastiiniyiinta, balse qorshe kasta oo ka dambeeya dagaalka , wuxuu la kulmi doono dhibaatooyin mug leh xagga fikradda iyo hirgelinta, sababtoo ah Israa’iil ma ay doonayso inay si dhammeystiran uga baxdo Qasa , halka ay Falastiiniyiinta doonayaan inaysan wax joogitaan ah Israa’iil ku yeelaan Qasa.

Related posts

Jabuuti oo heshay Talaalka Covid-19 iyo dadka Ugu horeeyo ee la siinayo talaalka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump: “Waa inaan ka shaqeynaa sidii aan Iran ula gaari lahayn heshiis”

Caydiid Ali

Nin weerar diyaaradeed ka geysan rabay Mareykanka oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---