Inkastoo sanadkii tagay uu ku bilowday buuq iyo xiisad ka dhalatay MoU-gii Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed kala saxiixdeen hadana waxa uu ahaa sanad dowladu balanqaaday in ay qaadayso talaabooyin dheeraad ah kor loogu qaadanayo dowlad dhiska Soomaaliya oo mudo soo jiitamayay. Hadaba balanqaadyadii madaxda dowlada maxaa ka fulay? Maxaase ka saqiiray?
𝐁𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐟𝐮𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡:-
✅Xaqiijinta kursiga aan joogtada ahay ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobeey. Laba bisha ayaa filayaa in Soomaaliya kursigaas ku matasho geeska Africa.
✅Ku biirista bulshada Bariga Africa. Ururkaan oo muhiim u ah ganacsiga yay Soomaaliya ku biirtay inkastoo wali ay jiraan caqabada ay ka mid ah in aan Soomaalida VISA la’aan aysan tagi karin wadamadaan.
✅Dayn cafinta. Dayn cafinta oo caqabad maaliyadeed oo hortaalay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa lagu guulaystay in meesha laga saaro. Waa talaabo bogaadin mudun.
✅Cunaqabataynta hubka: Dowlada Soomaaliya ayaa guulaysatay in dalkaan 30 sano ka dib laga qaado cunaqabatayda hubka taas oo guul u ah dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka.
✅Amniga caasimada: DFS waxa ay ku guulaysatay amniga caasimada waxaa caasimada ka dhigtay mid amnigeeda la isku halayn karo soona jiidanaysa maalgashi caalami ah.
𝐊𝐮𝐰𝐢𝐢 lagu fashilmay in la fuliyo
Dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab dowladu waxay sheegtay in muddo sanad ka yar lagu soo afjaro dhaqdhaqaaq Al-Shabaab gaar ahaan Hirshabelle iyo Galmudug. Wali kooxdu waxa ay maamushaa deegaano muhiim ah sida Ceelbuur, Galhareeri, Galcad iyo deegaano kale.
Ciidanka Midowga Africa:- dowladu waxa ay sheegtay inlaga maarmay howlgalka AMISOM/ATMIS ayna dalka ka baxayaan December 2024. Hada waxay dalbatay howlgal cusub.
Ciidanka dalalka safka hore: Dowlada Soomaaliya Muqdisho iskugu keentay madaxda dalalka Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti waxa ay ku dhawaaqday howlgalka Libaaxa Madow oo lagu ciribtirayo Al shabaab kaasoo ay qayb ka yihiin dalalka safka hore waxba kama hirgalin.
Turkey iyo Bada, Sanad ka hor dowladu waxa ay sheegtay in ciidamo Turkey ah ay difaaci doonaan amniga Bada Soomaaliya, marka laga soo tago ciidanka Ilaaliya amniga markabka shidaalka baaraya majiraan ciidamo Turkey ah oo ilaaliya amniga Bada Soomaaliya, lamana oga halka uu ku dambeeyey heshiiskaas
Ladagaalanka Musuq Maasuqa:- Dowladu waxa ay sheegtay in ay bilaawday olole lagula dagaalamayo musuqa maalmo ka dib waa la joojiyay iyadoo arkay dadkii la beegsaday in arrimo siyaasadeed qaarkood loo bursanaayay. shaqsiyaadkii loo xirayna intooda wax dambi ah waa lagu waayey waana la sii daayey Dadka qaarkood ayaa aaminsan hada meeshii ugu xumeed gaaray musuqu.
Hassan Noor Mohamed