Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada Somalia oo xilal cusub Magacowday (Magacyada)

Agaasimayaal cusub ayaa loo magacaabay qaar ka mid ah waaxyaha Villa Somalia halka agaasimayaasha horey u joogay qaarkoodna la isku bedelay.

Waxaa xilalka loo kala bedelay agaasimihii warfaafinta Madaxtooyada C/raxmaan Xudeyfi oo muddo gaaban xilkaas hayey iyo agaasimaha waaxda xiriirka Dadweynaha Maxamed Dugoow.

Mowliid Max’ed Xassan ayaa loo Magacaabay agaasimaha Waaxda la socodka iyo qiimeynta Villa Somalia.

Sidoo kale, Samatar Shariif Axmed ayaa loo magacaabay agaasimaha waaxda Iibka ee Madaxtooyada, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan waxaa Madaxtooyadu iibiso.

Ladan Cabdikhayr Cilmi ayaa iyana loo magacaabay agaasimaha waaxda Maamulka & Maaliyada ee Villa Somalia

Agaasimaha waaxda waaxda adeegga guud ee Villa Somalia ayaa waxaa isna loo magacaabay Xuseen Yuusuf Ladane.

Lama oga illaa hadda sababaha ay talaabadan u qaaday Villa Somalia iyo ujeedada laga leeyahay, mana jirto wax faahaahin ah oo ka soo baxday Madaxtooyada dalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Ciidamada Puntland oo la wareegay Talisyadii Daacish ee Calmiskaad (Sawirro)

Cabdi Cade

Doorashada Kursi ay ku tartamayaan 9-Musharax oo maanta ka dhacaya Baledweyne

Cabdi Cade

Baarlamanka Somalia oo ka dooday qodobo xasaasi ah oo ka tirsan dastuurka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---