Masar ayaa Soomaaliya u soo diraysa ciidanka qeybta ka noqonaya howlgalka cusub ee Midowga Afrika oo lagu soo daabulayo marinnada cirka iyo badda
Qaahira ayaa ugu dambeyn doonaysa in heshiiska is afgaradka ee ay horey ula gashay Soomaaliya uu sharciyad u siiyo inay noqon karaan dalkii u horreyay ee Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ku yeelan kara joogitaan ciidan cir iyo bad ah, halka ay sidoo kale Masar joogitaan ku yeelanayso dhulka
Ciidanka Masaarida waxay ilaalin doonaan madaxda sare ee dawladda iyo xarumaha muhiimka ah ee hay’adaha dawladda, taasoo ay u dheertahay inay u soo diri doonaan Soomaaliya la-taliyayaal sare oo militari, sida ay ku warrameen shabakadda The National ee fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta.
Howlgalka AUSSOM, wuxuu isku rogay howlgal loolan siyaasadeed oo kulul kaasoo u dhexeeya dowladaha Itoobiya iyo Masar oo danahooda gaarka ah isku heysta kuwaasoo laga cabsi iney khilaafkooda u soo raraan.
Howlgalka ay tahay inuu bilowdo wixii ka dambeeya maanta (1 Jannaayo,2025) ee AUSSOM, ayaa si dhaqso ah u muujinaya sida ay maalmaha u yihiin kuwa xasaasi ah, sabab la xiriirta loolanka siyaasadeed ee dalalka oo howlgalkan uu dhexda u galay.
Mid ka mid ah marxaladda ugu adag ee ku dhex jira howlgalkan waa Masar iyo Itoobiya, oo mid kasta uu doonayo in kan kale laga tago, waxayna uga baahan tahay Soomaaliya inay xal u hesho cadaawada taariikhiga ah ee dhaxeysa labadan dal inay saameyn ku yeelato gudaha dal iyo howlgalka xasillinta Midowga Afrika.
Waxaa horeu howlgalka looga saaray Burundi, kaddib markii aan waxba laga qaban cabashada ay ka muujiyeen in hoos loo dhigay doorkoodii howlgallada Midowga Afrika oo ay ku jireen dalalkii lagu billaabay howlgalladan muddo hadda laga joogo 15 sanno , haddase saameynta Masar iyo Itoobiya waxay hoos u dhigtay Burundi oo ka bixitaankeeda howlgalka Midowga Afrika uu khasbayo in la helo ciddii buuxin lahayd goobaha ay ka baxayaan.
Masar waxay u aragtaa ku biiritaankeeda howlgalkan mid dib usoo celinaysa saameynteeda gobolka; Labadii sanno ee u dambeysay tan iyo markii Suudaan ay dhexda u gashay dagaal, waxay isku aragtay Masar inay ka luntay indhaha oo aysan jirin wax saameyn ah oo ay ku leedahay gobolka, gaar ahaan marka laga hadlayo xiisadda wabiga niilka ee muddada dheer jiitamaysa waxay mar walba Masar u adeegsanaysay hab diblomaasiyadeed waddamada kale uga dhow Itoobiya ee Suudaan iyo Liibiya.
Balse burburka ku yimid labada dal wuxuu is tusay Masar oo kaligeed ah iyo Itoobiya oo hormarinaysa biyo xireenkeeda, Taasoo jirta Itoobiya ayaa ballaarisay doonisteeda badda cas oo ay u arkayso Masar , goob kale oo lagu dhibaateyn karo illaa kaddib is afgaradiii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Masar inaysan marna u oggolaan doonin Itoobiya inay joogitaan ku yeelato badda cas, taas beddelkeeda Masar ayaa u deg degaysa inay timaado xeebaha Soomaaliya, waana sababtoo loo arkayo ciidanka badda Masar oo dhawaan imaan kara biyaha Soomaaliya, iyagoo tixraacaya heshiiskii iskaashiga amniga ee Muqdisho ay la galeen iyo ka mid noqoshada howlgalka AUSSOM.
Is afgaradka Ankara ayaa sidoo kale sare u qaadaya loolanka aamusan ee gobolka oo u dhaxeeya Masar iyo Turkiga. Tan oo la arkay markii ay Masar si deg deg ah uga dalbatay Soomaaliya inay faahfaahin ka helaan is afgaradka ay la gaareen Itoobiya— goob kale oo Masaarida iyo Turkida uu loolankooda ka jiro waa Suudaan, kaddib markii Turkiga uu soo bandhigay inuu doonayo joojinta dagaalka Suudaan oo loo marayo wada-hadallo.
Itoobiya ayaa dhankeeda u aragta ‘dhimasho’ inay iska waydo AUSSOM, taas beddelkeeda ay ku dhex aragto gudaha Soomaaliya ciidanka Masar, tana waa sababta uu howlgalka Midowga Afrika ee xasillinta isugu rogayo mid siyaasadeed oo maareyn uga baahan Soomaaliya, sababtoo ah laga billaabo maanta ma haystaan ciidanka Itoobiya sharciyad ay ku joogaan Soomaaliya, halka aysan dawladda Somalia wali soo bandhigin liiska kama dambeysta ee dalalka ka mid noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM, balse si cad way ku adkaan doonta Soomaaliya inay mid ka tagto labada dal, marka natiijada waa inay badan tahay suurtagalnimada inay Soomaaliya tanaasuli doonto oo dalka uu isku rogi doono mid ay wada joogaan, Masar, Itoobiya iyo Turkiga! laakin tani miyay faa’iido u leedahay waddanka ? Si cad waa xaalad aan bixinayn natiijo waxtar leh! Balse waa inan sugnaa sida uu dalka u maareyn karo loolanka dalalka u dhaxeeya ee isku dhex arkaya Soomaaliya
Waxaa qoray
Iman jama