Allbanaadir.com
NEWS

in wax laga beddelo xogta Baasaboorka Soomaaliga oo la hakiyay

Qoraal goordhaw kasoo baxay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, ayaa lagu shaaciyay in muddo saddex bilood ah  oo maanta ka bilaabaneysa la hakiyay wax-ka-beddelka xogta baasaboorka Soomaaliga ee burinta.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya , ayaa go’aankan kasoo baxay lagu sheegay  in iyada oo laga duulayo horumarinta iyo tayeynta baasaboorka Soomaaliya la hakiyay muddo saddex bil ah in wax laga beddelo xogta muwaadiniinta ugu qoran baasabooradii ay horey u qaateen.

Qoraalka kasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha , ayaa sidoo kale lagu sheegay in dib u eegis lagu sameenayo habraacyada iyo howlaha farsamo ee ku aadan wax-ka-beddelka baasaboorka , si loo ilaaliyo sumacadda baasaboorka loona horumariyo.

Go’aankan lagu hakiyay wax-ka-beddelka xogta baasaboorka ,ayaa imaanaya xilli maalmo kahor Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya loo magacaabay Mustaf Dhuxulow in uu agaasime ka noqdo, isagoona durba bilaabay agaasimaha cusub tayeynta iyo horumarinta baasaboorka Soomaaliga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Warqada Aqoonsiga maanta ka Gudoomay Labo Denjire cusub (Sawirro)

Cabdi Cade

Kooxo hubeysan oo dil qorsheysan ka geystay xaafad ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Cillad ku timid baraha bulshada ee Facebook , WhatsApp iyo sidoo kale Instagram

Cabdi Cade
Taboola Ads ---