Waxii sii kordhaya dalalka kuyaalla caalamka ee joojinaya ciqaabta dilka ah ee lagu fuliyo dadka dilalka geesta iyo kuwa dambiyada culus ku kaca, xilli dalalka qaar iyana kordhiyeen dilalka lagu fulinayo dadka dambiyada waa weyn galay ee xukunka ku dhacay.
Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa , ayaa si rasmi ah u ansixiyay joojinta xukunnada dilka ah ee lagu fuliyo muwaadiniinta dalkaasi, waxa uuna meesha ka saarayaa sharcigan cusub in xukun dil ama daldalaad ah lagu fuliyo dadka dalkaasi u dhashay.
Baarlamaanka dalka Zimbabwe , ayaa bishii tagtay ee December u codeeyay in dalkaasi laga joojiyo xuknnada dilka ah, waxa uuna sharcigan hirgalintiisa sugayay ansixinta Madaxweynaha dalkaasi oo isna ugu dambeyn qalinka ku duugay.
Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty, ayaa si weyn usoo dhaweysay go’aankan dowladda Zimbabwe ku joojisay xukunnada dilka ah, waxa ayna go’aankan ku tilmaanta mid wannaagsan oo loo qaaday dhinaca dhoorista xuquuqda aadanaha.
Xukuunnada dilka ah ee la fuliyo waxaa sanandkii 2023-kii fuliyay shan dal ay kamid yihiin Shiinaha , Iran, Sacuudiga, Soomaaliy iyo Mareykanka, waxaana dalalkaasi xabsiyadooda hadda ku jira tiro kale oo aad u badan kuwaa oo sugaya in xukunno dil ah lagu fuliyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com