Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad deegaanka oo Digniin amni kasoo saartay argagaxiso magac qabiil wadata

Ciidamada Amniga Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku dhawaaqay digniin amni oo ku saabsan argagixiso abaabulan oo doonayay in ay gudaha u galaan dhulka DDS.

Digniin amni oo ka soo baxday Xafiiska Nabadgalyada DDS ayaa dadweynaha Degaanka Soomaalida lagu wargeliyay in aysan ku dagmin kooxo ay ku tilmaameen argagixiso abaabulan oo doonaya in ay magac qabiil ku soo galaan dhulka Dowlad degaanka.

“Sida la wada ogyahay waxa jirtay damac uu leeyahay ururka argaxisada ah ee shabaab oo ah in ay soo galaan dalka, haddaba markii uu u suuro gali waayay in iyaga oo hubaysan kuna suntan calaamadda shabaab ay ka dhaxdhaqdhaqaaqan dalka.”

“Waxa ay baddaleen qorshihii waxa, ayna qaateen, in ay soogalaan deegaanka iyaga oo huwan shaati qabiil, kuna abaabulaan dhallinyarta magac qabiil, gaar ahaan gobolada dhaca xuduudaha” ayaa lagu yiri digniinta ka soo baxday Xafiiska Nabadgalyada DDS.

Ciidamada Dowlad degaanka ayaa sidoo kale sheegay in ba billaabayaan hawlgalka fashilinta damaca argaxisada waxaana ay mar labaad shacabka uga digeen in aysan ku kadsoomin abaabulka kooxaha argagixisada ah ka wadaan gudaha degaanka.

“Haddaba waxaa bulshada deegaanka, ee sharafta leh, qaybaheeda kala duwan gaar ahaan dhallinta, waxgaradka, aqoon yahanka, culimada iyo dumarkaba looga digayaa inaysan ku dagmin abaabulada ay xubanaha argagixsada shabaab wadaan iyaga oo ku gabanaya magaca qabiilka” ayay sii raacisay digniinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiirka Qadar oo amar ku bixiyay in Soomaaliya loo diro gar gaar caafimaad oo deg deg ah

Cabdi Cade

Booliiska oo Muqdisho kusoo bandhigay nin fal laga naxay isaga oo geesanaya la duubay

Cabdi Cade

Haweeney weerartay Ciraaqiyiin kutaabka Qur’aanka Kariimka galabta gubayay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---