Allbanaadir.com
NEWS

Xilal iyo darajooyin oo la siiyay dagaalyahanno Ajaaniib oo Suuriya ku sugan

Dagaalyahanno badan oo ajaaniib ah ayaa qeyb ka ahaa duullaankii xilka looga tuuray Madaxweynihii Suuriya ee Bishaar Al-assad, waxa ayna xubnahan  ajaaniibta ah katirsanaayeen ururka Xayaat Tahriir Al-sham.

Maamulka cusub ee Suuriya ayaa la sheegay in qaar ka mid ah dagaalyahannada Islaamiyiinta ee ajnabiga ah ay ciidanka dalkaas uga magacaabeen xilal sare, sidoo kale lagu abaalmariiyay darajooyin ciidan iyo dhalashada dalkaasi.

Ciidanka ayaa waxaa dib u qaabeyn ku sameynaya Hayat Tahrir al-Sham (HTS), kooxda Islaamiyiinta ee haatan si rasmi ah ula wareegay dalka kadib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Bashar al-Assad horraantii bishii hore.

Weli ma jirto wax xaqiijin ah oo kasoo baxday hoggaanka cusub oo tallaabadan ku aaddan, balse waxay u muuqataa mid walaac ka dhalin karta gudaha iyo dibadda Suuriya, walaacaas oo ku aaddan doorka ay dagaalyahanno ajnabi ah ka qaadan karaan mustaqbalka dalkaas.

Waxay kusoo aadeysaa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee dalkaas, Ahmed al-Sharaa, uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay wakiillada Kurdiyiinta iyo Kirishtaanka dalkaas ku nool – waana labada bulsho ee walaaca ugu weyn ka qaba ajandaha maamulka cusub.

Related posts

Baabuur Qaali ah uu lahaa Madaxweyne Caan ahaa oo la xaraashayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo tilmaamay howlaha adag ee horyaalla Dowladda (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Xoogga dalka & kuwa Galmudug oo qabsaday degaanka Camaara (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---