Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo ka samri la’ waxa ka dhacay Suuriya iyo Erdogan oo la aflagaadeeyay

Xukuumadda Tehran, waa mid aan lumin xasuusteeda Dimishiq , taa oo laga arkay tallaabooyinkii u dambeeyay ee hoggaanka sare ee Iran illaa laga maqlay inay tallaabo walba horey u qaadi doonto Iran si ay ugu laabato Dimishiq..!

KulanĀ  ka dhacay magaalada Tehran ee caasimadad dalka Iran oo ay joogeen saraakiil sare , waxaa si xun loogu aflagaadeeyay Madaxweynaha Turkiga Erdogan, oo ay u aragto IranĀ  inuu ka dambeeyo tuuristii Bashaar Al-assad.

Iran, waxaa suragal ah waqti aan fogeyn inay heshiis la gali karto kooxda Daacish, sababtoo ah Iran mid ka mid ah waxyaabaha u dambeeya ee ay doonayso inay ku carqaladeyso Suuriya ayaa ah inay dib u abaabusho oo ay qalabeyso Daacish..!

Toddobaadkii hore , hoggaamiyaha sare ee Iran , Cali Khamenei wuxuu soo baxay isagoo si caro leh u sheegaya inaysan lumin saameynta Iran ee gobolka iyo Suuriya , maalgalinta muddada dheer iyo tobannaanka bilyan ee uga lumay Suuriya , wuxuu usoo muujiyay inay tahay wax aan laga tagi karin! Waxaa kalo uu caddeeyay wax walba oo ka dhacay Suuriya inay ka dambeeyaan awoodda kale oo shisheeye oo halis galin kara amniga Iran , tan oo la macno ah waxay ā€˜Iran sameyn doontaa tallaabo kasta oo ay uga hortagayso khatarta Suuriyaā€™.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa isaguna toddobaadyo ka hor soo bandhigay inay jiraan wax badan oo laga arki karo gudaha Suuriya, tan oo loo qaatay hanjabaad ka dhan ah dawladda cusub ee Suuriya oo dhankeeda uga digtay Tehran inay iskudayo inay soo farageliyo arrimaha gudaha Suuriya, iyadoo Dimishiq ay hadda doonayso inay ku cadaadiso Iran magdhowga ay ka doonayso ee la xiriira gabood-fallaadii ay kooxaha ay Iran taageerto ka geysteen gudaha Suuriya.

Iran waxay leedahay sooyaal inay la heshiin karto kooxaha , waxaa jirtay inay gabaad siisay oo heshiiis rasmi ah la gashay sannadkii 2001-dii ururka Al Qaacida oo markaa ay hubaysay sidoo kalena ay dib u dejin u sameysay hoggaamiyayaasha ururka , iyadoo doonaysa inay saameyn ku yeelato oo ay fuliyaan danahooda, tana waxay suragal ka dhigaysa marka ay aragto in hannaan kasta aysan suragal ahayn, markaa Iran waxay heshiis la geli karta Daacish.. cabsida ugu weyn ee Dimishiq ayaanna waqtigan ah carqaladeynta ay kala kulmi karaan Iran iyo saameynteeda.

W/Q Iman Jamac

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo gantaalo ku garaacday Fariisimo Ciidamada Isra’il ku leeyihiin BuurahaĀ Golan Heights

Cabdi Cade

Wadamo Reer Galbeed oo Raali galin siiyay Turkiga iyo Erdogan oo ka laabtay Amar uu bixiyay

Cabdi Cade

Laamaha amniga oo faahfaahin ka bixiyey dilkii Boqore iyo rag loo xiray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---