Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo guddi cusub magacaabay xilli dagaal isku diyaarinayaan

Madaxweynaha maamulka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay guddiga taakulaynta iyo daryeelka dhaawacyada ciidamada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ka bilaabanaya.

Guddigan cusub uu magacaabay Madaxweyne Siciid Deni ,ayaa isugu jira wasiirro katirsan maamulkiisa iyo guddoomiyaal gobol iyo degmo, kuwaa oo si gaar ah uga shaqeyn doona taakuleynta ciidanka howlgalka ku jira iyo sidoo kale dhaawacyada ciidamada soo gaara.

Xubnaha guddiga ayaa kala ah:

1. Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel)
2. Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur
3. Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle
4. Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo)
5. La-taliye Axmed Cabdi Hurre
6. Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid.
7. Guddomiyaha degmada Boosaaso, Cabdifaataax Xaaji Shanle.Madaxweyne Deni , ayaana faray afar kamid ah Wasaaradaha mamaulkiisa ay kamid yihiin Wasaaradda Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda in ay shaqadooda ku gacansiiyaan xubnaha guddigan cusub uu u magacabay taakuleynta ciidamada.

Ciidamada maamulka Puntland, ayaa isku diyaarinaya howlgal culus oo la doonayo in kooxaha argagaxisada ah looga saaro buuraha gobolka Bari, waxaana abaabulka howlgalkan gobolka Bari u jooga Madaxweyne Siciid Deni iyo masuuliyiin kale.,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo Cafis u fidiyay Boqolaal Maxaabiis ah

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaloiya oo ka hadashay wararka sheegaya in la fasaxay Jaadka Kenya

Cabdi Cade

Nin Ciraaqi oo dilay haweeney Soomaali ah oo diiday iney xiriir jaceyl la sameyso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---