Qaar kamid ah gobolada dalka, waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaalo salka ku hayay qabiil, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaarayay dhinacyada dagaallamayay.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xlligan qeybo kamid ah dalka, gaar ahaan deegaannada maamulkiisa ay ka dhacaan dagaallo salka ku haya qabiil.
Axmed Qoorqoor, ayaana ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyada meel kasta ay ka socdaan, waxa uuna dagaalladaasi ku tilmaamay in ay yihiin adduun iyo aakhirso seeg, waxa uuna ugu baaqay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka in ay xalliyaan dagaallada soo noq noqday.
Madaxweyne Qoorqoor , ayaa si gaar ah uga hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday galbeedak gobolka Mudug oo horey xal looga gaaray, waxa uuna xusay in lala xisaabtamayo ciddii ka baxday waxii horey loogu heshiiyay dibna u hurisay colaada maanta taagan.
Ugu dambeyn Madaxweyne Qoorqoor, ayaa caddeeyay in kooxda Al Shabaab iyo kooxo kale uu tilmaamay in aysan waxba dhaamin kooxdaasi in ay yihiin kuwa xilligan hurinaya colaadaha sukeeye ee dhiigga badan ku daatay ee ka socdo qeybo kamid ah gobolada dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com