Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeer uu ugu kuurgelayo xaaladooda ugu tagay ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada dadka degaanka ee ka hawlgala deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolada dalka.
Jeneraal Odawaa , ayaa tagay furumaha hore dagaalka ee ciidanka xoogag dalka ka joogaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxa uuna halkaasi kula kulmay saraakiisha iyo ciidanka xoogag dalka ee halkaasi u jooga kahor taga kooxda Al Shabaab.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa ciidamada uu la kulmay ku bogaadiyey intii uu joogay Ceeldheer in dadkooda iyo dalkooda ay Al Shabaab ka difaacaan, waxa uuna ciidamada ku wargaliyay in ay u diyaargaroobaan howlgallo cusub oo Al Shabaab looga xureenayo deegaanada ay weli ku harsan yihiin.
Taliyaha xoogga oo ku jira safar uu ku marayo furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ee dalka ayaa Ceeldheer uga sii gudbay degmooyin kale oo Xarardheere ay ugu horeyso, isagoo u kuurgelaya xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidamada qaranka iyo deegaanka ee dagaalka kula jira Al Shabaab.
Jeneraal Odawaa, ayaana wada abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug, waxa uuna abaabulkan imaanaya axlli uu joogsaday howlgalladii ka dhanka ah kooxda AL Shabaab ee ka socday qeybo kamid ah dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.