Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo masuuliyiin kale ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug.
Wasiir Cali Xoosh ayaa odayaasha u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaarisay shuruucda iyo habraacyada doorasho qof iyo cod ah, isla markaana iyadoo kaashanaysa Dowlad Goboleedyada ay awoodda maamulka dalka dib ugu celineyso shacabka Soomaaliyeed oo ay si dimuqraadiyad ah u soo doora doona hoggaankooda.
“Waxaan diyaarinnay oo aan meelmarinnay dhammaan Xeerarka gundhigga u ah in ay dalka ka hirgasho doorasho qof iyo cod ah, kuwaas oo kala ah; Xeerka dhisidda GMDQS, Xeerka Ururrada Siyaasadda & Xisbiyada JFS iyo Xeerka Doorashooyinka Qaranka, sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhistay Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka Iyo Sohdimaha oo loo dhamaystiray dhammaan waxyaabaha ay ku shaqayn lahaayeen,” ayuu kulankaas ka yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Dhankooda Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug ayaa caawa kulankaas ka sheegay inay diyaar u yihiin in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay u soo doortaan hoggaanka dalkooda.