Allbanaadir.com
NEWS

Sanadka cusub ee 2025 oo ka curtay dalalkii ugu horeeyey (Sawirro)

Dalal ka tirsan caalamka ayaa bilaabay dagaaldegyo waaweyn oo lagu soo dhoweynayo sanadka cusub ee 2025ka oo wadamadii ugu horeeyey ka curtay.

Labada dal ee Australia iyo New Zealand oo ah dalalka ugu horeeyey ee sanadka cusub uu ka bilowday ayaa waxaa ka socda dabaaldegyo waaweyn.

Magaalooyinka Auckland iyo Sydney ayaa noqday meelihii ugu horeeyey caalamka ee looga dabaaldego sanadka cusub.

Kumanaan ruux ayaa waxaa ay isugu soo urureen jidadka magaalooyinkas iyagoo daawanaya muuqaalo kala gedisan oo cirka loo tuuray kuwaasoo iftiinkii habeenimo u bedelay maalin cad.

Magaalooyinka Yurub Boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay jidadka kuwaasoo sugaya saacadaha yar ee uga harsan saqda dhexe si ay ugu dabaaldegaan sanadka cusub.

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo furay shirka Madasha Dhaqaalaha Qaranka

Cabdi Cade

Puntland oo 11-qodob oo Xasaasi ah kasoo saartay dagaalka Tukaraq (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Shaaciyay in rag ajaaniib ah lagu dilay dagaalkii Baxdo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---