Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa shir guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta iyo habsami u socodka hawlaha dakhli aruurinta iyo u diyaar garowga qorshe howleedka sanadka 2025.
Agaasimeyaasha kala gedisan ee Waaxyaha Dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar, ayaa shirka kusoo bandhigay warbixino ay kaga hadlayeen howlihii u qabsoomay sanadka sii dhamaanaya ee 2024 iyo qorshaha sanadka cusub ee 2025.
Guddoomiye Ciise ayaa faray Agaasimeyaasha Waaxaha Dakhliyada Dowladda Hoose ee Xamar in hanaanka dakhki aruurinta lagu saleeyo habraacyada iyo sharuucda u degsan dowladda Hoose ee Xamar, isla markaana laga fogaado wax weliba oo baalmarsan shuruucda dakhli aruurinta.
Ciise Guure ayaa ku booriyey masuuliyiinta waaxyaha dakhli ururinta iney ilaaliyaan amaanada lagu aaminay si hufana u gutaan waajibaadkooda shaqo, isagoo amaanay sida habsamida leh ee ay bulshada ugu adeegayaan.