Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka cusub ee Batroolka oo safar deg deg ah u tagay Balaweyne si uu xal…

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, ayaa saakay oo Talaado ah gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirka iyo xubnaha la socady waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweryne kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, kan Baladweyne iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, waxaana wafdiga wasiirka loo galbiyay gudaha magaalada.

Sida aan wararka ku heleyno Wasiirka Batroolka iyo xubnaha la socda , ayaa magaalada Baladweyne u tagay xal u helida xiisada ka dhalatay ciidankii kasoo jeeday beesha Xawaadle ee aannada qabiil dhawaan loogu dilay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Wasiirka , ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaato masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha, odayaasha dhaqanka, kuwaa uu kala hadli doono xiisada ka dhalatay dilka askarta loo geestay, iyo sidii looga hortagi lahaa in falal aargoosi ah dhacaan.

Dilka askarta beesha Xawaadle loo geestay kaddib , ayaa furumaha hore ee dagaalka waxaa ka baxay ciidan badan oo kasoo jeeday beessha Xawaadle, kuwaa oo dib ugu laabtay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Hiiraan, iyaga oo gadood ka ahaa falkii walaalahood lagula kacay.

Dowladda Soomaaliya oo horay u shaaciday in 48 saac gudahood kusoo qaban doonto maleeshiyaadkii dilka geestay , ayaan wali ku guuleysan in ay soo qabtaan, waxa ayna dowladda wadaa dedaalo looga hortago in colaad hor leh ka dhalato dilka loo geestay askartaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Diyaarado sida Wafuud oo gaaray Garawe iyo Madaxweyne Xasan oo la shaaciyay in uu…

Cabdi Cade

Taliye Xijaar oo hoygiisa ku booqday Musharaxa C/raxmaan C/shakuur (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga & wafdigiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---