Hoggaamiyaha Suuriya, Axmed Al Sharac ayaa Dimishiq ku qaabbilay wafdigii u horreyay oo ka socda dawladda Ukraine oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Ukraine , Andrii Sybiha oo Dimishiq ka sheegay inay garab taaganyihiin dawladda cusub ee Suuriya , dhawaana ay keeni doonaan gargaarkii u horreyay ee bani’aadanimo gudaha Suuriya.
Ukraine waxay siisay tababar iyo taageerro militari inta ay ku jireen is diyaarinta Hay’at Tahrir al-Sham iyo kooxihii kale ee uu hoggaaminayay Axmed Al Sharac , hoggaamiyaha hadda ee dawladda Suuriya ,xilli aysan jirin cid iyaga garanaysa ama qiyaasi kartay inay xukunka ka tuurayaan Bashaar Al-assad..!
Mid ka mid ah waxyaabaha aysan dawladda cusub ee Suuriya uga tageyn Ukraine ayaa sidoo kale ah inay Ukraine bartay sida loo soo saarto hubka , gaar ahaanna diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee siiyay guusha ugu muhiimsan
Ma xasuusataa Al Sharac inuu yiri; “Hubka aan ku dagaallanay annaga ayaa soo saarnay.” Si la mid ah Ukraine ayaa ka caawisay xog sirdoon oo la xiriirta Ruushka oo ahayd cidda taageerraysay nidaamkii dhacay ee Assad. Natiijada waa inay Ukraine ahayd cidda taageerrada militari iyo tababar siisay Al Sharac, halka Turkiga uu lahaa istiraatijiyada dagaal, daboolka diblomaasiyadeed iyo tiknoolajiyadda lagu burburiyay difaacii militari ee nidaamka Bashaar Al-assad, kaddib markii hawada laga saaray isgaarsiintii ciidankii nidaamka Assad..!
Ma aha qiyaasta inad uga tagto Ukraine burburka ay kala kulmayso dagaalka Ruushka oo ay awooddi wayday inay difaacato dhulkeeda, laakin markaa waa inad eegtaa cidda ay ka hor imaanayaan oo Ruushka ah, awooddiisa militari, khibrada dagaal iyo qalabka, taa beddelkeeda marxaladaa adag ee ay wajaheen ayaa muhiimad u yeelaysa , sababtoo ah markaa dalalka ama kooxaha sida Xamaas ay ka hor imaanayaan quwad awood leh, dalalka waxay u deg degaan inay wax ka oggaadaan dagaalka iyo sida ay iska caabinta u sameynayaan dhinaca aan awoodda badan diiwaanka ugu jirin.
Ukraine waxay dagaallada dunidda ku soo kordhiyeen habab dagaal oo ku habboon goobta, sida in la arkay iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaadi kara walxaha qarxa oo ugu tagaya askarta goobtooda oo mid mid loogu dili karo, tan oo ku khasabtay inuu Ruushka dib ugu celiyo askartiisa tababar gaar ah oo diyaaradahaa la isaga xakameeyo, waxaa kalo ay leeyihiin tiknoolajiyad iyo sirdoon awood leh , waxayna waxbadan ka barteen taageerrada militari ee NATO , oo ka dhigaysa kuwa heysta khibrad dagaal oo hadda dalal badan ay doonayaan inay wax ka bartaan.
Marka militari ahaan fikradu waa inad hesho tababarayaal militari oo Ruushka ah waxaa ka wanaagsan inad heysato tababarayaal Ukraine ah, sababtoo ah waxay heystay khibrada militari ee NATO iyo habka iska caabinta Ruushka.
W/Q Iman Jamac
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.