Allbanaadir.com
NEWS

Waa sidee xaalada Netanyahu ka dib Qaliinkii uu maray

Qallin lagu sameeyay RW Netanyahu ayaa la sheegay inuu ku dhammaaday si guul ah isagoo aan la kulmin wax dhibaato ah.

Wuxuu ka soo kacay suuxtin uu ku jiray muddada qallinku socday, iyadoo loo wareejiyay qeyb dhulka hoostiisa ah oo uu maalmaha daweynta ku qaadanayo.

Netanyahu ayaa maray doona qalliin looga saaray qanjirka kaadi heysta ee Prostate kaddib markii 75-jirkan oo baaritaan maalintii Arbacada ku maray isbitaalka Hadassah ee magaalada Tel aviv waxaana laga helay caabuqa kaadi mareenka oo ka dhashay qanjirka ‘prostate’ oo ah mid weyn, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay xafiiska Netanyahu.

Netanyahu waxaa la xaqiijiyay illaa bartamaha toddobaadkan inuu ku jirayo isbitaalka isagoo si buuxda shaqada si kumeel-gaar ah ula wareegay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka caddaaladda Israa’iil, Yariv Levin.

 

Related posts

Xaaladii Deg dega aheyd ee lagu soo rogay dalka Turkriga oo la qaaday

Cabdi Cade

Ciidamada Hindiya ee ku sugan xadka ay la wadaagaan Shiinaha oo amar culus la siiyay

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Danjire Maxamed Ibrahim (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---