Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Amiir oo shan arrin kala hadlay Zafer Eşki (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hey’adda Tika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Zafer Eşki

Waxay ka wada hadleen arrima dhowr ah oo la xariira horumarinta caasimadda JFS iyo sidii Dowlada hoose looga kaalmeyn lahaa arrintaas.

Kulankan ayaa sidoo kale diirada lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, dardargalinta taageerada mashaariicda lagu horumarinayo Magaalada Muqdisho gaar ahaan dhismaha waddooyinka, shaqa abuurka dhallinyarada iyo tababarada farsamada gacanta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay hey’adda Tika doorka muuqda oo ay ka geesatay dib usoo kabashada Caasimadda iyo sida ay wali uga go’an tahay in sii wadaan taageeradooda la xariirta horumarinta magaalada, isaga oo intaa ku daray in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii Muqdisho ula jaan qaadi laheyd magaalooyinka dhigeeda ah ee caalamka.

Related posts

Dhacdo naxdin & argagax leh oo maanta ka dhacday degaanka Dhagax-dheer

Caydiid Ali

Madaale oo deg deg ku tagay Dhuusomareeb kaddib markii uu u yeeray Madaxweyne Xasan

Cabdi Cade

Mucaaradka Puntland oo lix arrimood oo halis ah ku eedeeyey Madaxweyne Deni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---