Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaamiyaha Suuriya oo shaaciyay xilliga ay Doorasho ka dhici karto dalkaasi

Talada dalka Suuriya oo sanado badan xukunka hal qoys gacanta ugu jiray , ayaa dhawaan waxaa ka dhacay isbadal weyn oo aan horey loo saadaalin, waxaana xukunka dalkaasi si fudud kula wareegay xoogag islaamiyihiin ah oo dagaal adag la galay nidaamkii Bishaar Al-assad.

Maamulka cusub ee la wareegay talada dalka Suuriya, ayaa dhisay dowlad KMG ah oo dalkaasi sii maamusha inta laga gaarayo doorasho guud, waxa ayna maamulkan hadda ka shaqeenayaan diyaarinta dastuur cusub uu yeesho dalkaasi.

Hoggaamiyaha guud ee maamulka cusub ee dalka Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa sheegay in ay ka shaqeenayaan qabashada doorasho dalkaasi ka dhacda, waxa uuna xusay in qiyaastii doorasho guud in la qabto ay qaadan karto muddo afar sano ah.

Waxa kale uu sheegay hoggaamiyaha Suuriya in la bilaabayo diyaarinta dastuur cusub uu dalkaasi yeesho, waxa uuna xusay in diyaarinta dastuurka Suuriya uu qaadan karo muddo saddex sano ah, ayna ka shaqeenayaan in shacaka Suuriya sidoo ay codkooda ugu dooran lahaayeen hoggaankooda.

Maamulka cusub ee talada dalka Suuriya la wareegay, ayaa ka shaqeenaya wanaajinta xiriirka kala dhaxeeya dalalka dariska, waxa ay sidoo kale maamulka cusub ka shaqeenayaan sidii dib loogu soo celin lahaa sumcadii iyo nabadii lagu yaqaanay dalka Suuriya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
.

Related posts

Madaxweyne Xassan & wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweyey Jeddah (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidan ka tirsan ilaalada Xildhibaan C/llaahi Kulane oo lagu xiray garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

Cismaan Abii Bakar Maadey oo isku soo dhiibay ciidanka dowlada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---