Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa wareegto uu soo saaray ku reesteeyay shaqadana uga joojiyay taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha Soomaaliya , Sareeye Guuto Cabdi Warsame Cusmaan Maalin .
Sida ku cad wareegtada kasoo baxday taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxaa taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya lagu reesteeyay sababo la xariira in uu ku kacay musuq maasuq, waxaana taliyaha la amray in uu gurugiisa joogo ilaa amar dambe.
Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage , ayaa amray in baaritaanno lagu sameeyo musuqmaasuqa lagu eedeeyay Sareeye Guuto Cabdi Warsame Cusmaan, waxa uuna xilkiisa si KMG ah ugu dhiibay Gaashaanle Dhaxe Cabdiwaaxid Cali Afrax.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.