Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku qabtay rag hubeysan iyo maandooriye (Sawirro)

Howlgal qorshrusan oo ay caawa fuliyeen ciidamada amniga ee gobolka Banaadir, ayaa lagu soo qabtay eedeysanayaal hubeysan iyo sidoo kale waxyaabaha maankadooriya.

War kasoo baxay laamaha amniga ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga qabteen afar nin oo hubeysan iyo todobo loor oo maandooriyaha xashiishka ah oo ay ka ganacsanayeen, howlgalkaas ayaa caawa ka dhacay degmada Gubadley ee gobolka Banaadir.

Habeennadii lasoo ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa waday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maankadooriya, si looga hor tago dhibaatada ay bulshada u geysan karaan.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya kooxaha isticmaala iyo ka ganacsada maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan, waxa ayna kooxahan qeyb ka yihiin falalka amni darro ee caasimadda mararka qaar ka dhaca.

Related posts

Somalia: Dad fara badan oo 24 saac gudahood laga helay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Al-shabaab oo dagaalyahano badan looga dilay Weeraro dhinaca cirka ah

Caydiid Ali

Dowlad goboleed 2aad oo u hanjabay odayaal u hogaansamay amarkii Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---