Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka oo kormeer kedis ah ku tagay xarunta…

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, si uu ugu kuurgalo hawlaha baaxadda leh ee wasaaraddu u hayso dadka Soomaaliyeed.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay mas’uuliyiinta wasaaradda, kuwaas oo uga warbixiyey adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u fidiyaan, gaar ahaan xannaanada xoolaha, ilaalinta dhirta, iyo horumarinta daaqa.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha wasaaradda lagu waafajiyo Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP), kaas oo ahmiyad ballaaran siinaya isku tashiga dadka Soomaaliyeed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

“Waa in aan ka faa’iidaysannaa khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, isaga oo xusay in Qorshaha Isbeddelka Qaran uu diiradda saarayo maalgelinta beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, iyo kaabayaasha kale ee dhaqaalaha, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale.

Ugu dambeyntii, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ku boorriyey mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa in ay sii xoojiyaan dadaalladooda, si loo xaqiijiyo himilooyinka Qorshaha Isbeddelka Qaran, loona gaaro horumar waara oo ay ka faa’iidaystaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga oo Muqdisho soo gaaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax Khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Dil ka dhacay Gaalkacyo iyo Booliska Puntland oo qabtay ninkii geystay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---