Maamul goboleedka Puntland ayaa markii u horraysay qiratay in caddaalad-darro iyo dulmi-baahsan ka jiro saldhiga Booliska ee lagu xiro dadka ku eedaysan danbiyada kala duwan.
Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo hadal ka jeediyay shir ku saabsan Caddaaladda oo lagu qabtay Garoowe ayaa xaqiijiyay in saldhigyada Booliska ay ka jiraan dhibaatooyin ka baxsan xaquuqda aadanaha oo dulmi iyo eex ka dhashay.
Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in dulmi iyo caddaalad-darro ba’an saldhigyada Puntland loogu geysto dadka aan u dhalan degaanka, islamarkaana qaarkood sannado badan si sharci-darro ah loogu hayo xabsiyada, iyadoo aan maxkamad la geyn.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in danbiilayaasha u dhashay Puntland uusan sharcigu qaban oo ay magaalooyinka joogaan, halka muwaadiniinta ka soo jeeda degaannada kale si bini’aadanimada ka baxsan loogu dhibaateeyo saldhigyada Booliska Puntland.
“Saldhiga dhexe ee Garoowe 153 qof oo ku xiran baa loogu tegey. Qofka ugu badan 9 bilood buu ku xirnaa. Dadkaasi waaran kuma xirna amar maxkamadeed kuma xirna, waxay u xiran yihiina ma jirin. Waxaan u yeernay qoladii Waaxda danbi baarista ee C.I.D, waxaan weydiinay war dadkani maxaa lagu haystaa, kadibna waa kala carareen” ayuu yiri wasiirka Caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo arrintaasi ka hadlayay.
Wasiirka ayaa sheegay xitaa in uu ka cabsaday in mas’uuliyiinta dowladda “Adduunka lagu cadaabo” kaddib markii uu arkay caddaalad-darrada iyo dulmiga ka jira saldhigyada Booliska Puntland oo aan haddana waxba laga qaban.