Allbanaadir.com
NEWS

Al Sisi & Macron oo ka wadahadlay heshiiskii Somalia & Itoobiya

Madaxweyne Masar Al Sisi, oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa xusay in Masar ay ka shaqeyneyso sidii ay Soomaaliya uga taageeri laheyd in la gaaro amni iyo xasillooni

Al Sisi ayaa sheegay in arrintaas loo maraayo “iskaashi laba geesood ah” oo ay horay u galeen Muqdisho iyo Qaahira ama ka qaybgalka hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika marka ay Soomaaliya codsato.

Madaxweyne Sisi waxa uu intaa ku daray inuu si dhaw ula socdo heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya ee Turkiga fududeeyay, isagoo rajo ka muujiyay in heshiiskani uu qayb ka qaadan doono xaqiijinta Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, isla markaana uu noqdo mid waafaqsan mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Madaxweynaha Faransiiska oo lumiyay kaalintiisii Milatari iyo siyaasadeed ee Africa ayaa dhawaan la kulmay Abiy, waxa uuna Masar kala hadlay xiisada sii kordhaysa iyo waxa Masar ugu yeertay in aan “gorgortan laga galayn amniga Qarankeeda iyo xasiloonida Badacas”.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay gaareen heshiis lagu xalinayo khilaafkooda, kaasoo socday tan iyo bilowgii sanadkan, iyadoo heshiiska ay dhexdhexaadineysay Ankara.

Xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaanaysay tan iyo bishii January, taas oo ka dhalatay heshiis dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland oo la isku dhaafsanayey marin badeed iyo aqoonsi.

Related posts

Xilliga ciidamada AMISOM dalka ka baxayaan oo la ogaaday iyo Khatar Amni oo…

Cabdi Cade

Imaaraatka oo ogolaaday in dalkooda lagu imaan karo Baasaboorka Somaliland

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii Masjid Cali Gaduud iyo cidda gacanta ku heysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---