RW Yuhuuda Netanyahu ayaa maanta mari doona qalliin isbitaal ku yaalla magaalada Tel aviv
Qaliinkan ayaa looga saarayaa qanjirka ‘prostate’ kaddib markii 75-jirkan oo baaritaan maalintii Arbacada ku maray isbitaalka Hadassah ee magaalada Tel aviv laga helay caabuqa kaadi mareenka oo ka dhashay qanjirka ‘prostate’ oo ah mid weyn, sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay xafiiska Netanyahu.
Dhinaca kale, Xafiiska Warfaafinta ee Gaza waxay sheegeen in 110,000 oo teendhooyin ah oo ka mid ah 135,000 oo ay isticmaalaan dadka barakacay ee ku sugan Marinka Gaza ee dagaalku burburiyay ay hadda ka baxeen adeegsiga oo ay si buuxda u burbureen.”
Xafiisku wuxuu ku eedeeyay ciidamada Israa’iil inay sabab u yihiin “musiibo bani’aadanimo oo halis gelinaysa nolosha kumannaan rayid ah,” xilli qaboobaha barafka wata uu soo dhow yahay.
“Xaaladdan musiibada ah ee bani’aadanimo waa natiijo toos ah oo ka dhalatay xasuuqa ay fuliyeen ciidamada gumeysiga ee ‘Isra’iil,’ kuwaasoo burburiyay boqollaal kun oo guryo ah oo ay leeyihiin muwaadiniintan, taasoo ku khasabtay inay ku noolaadaan teendhooyin aan lahayn shuruudihii ugu yaraa ee nolol macquul ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dadka barakacay ee ku nool teendhooyinka ku-meelgaarka ah ee ku yaalla Marinka Gaza ayaa wajahaya xaalado musiibo ah, waxaana khasbay ciidamada Israa’iil inay ka qaxaan guryahooda, iyadoo roobab culus iyo dabaylo xooggan ay burburiyeen teendhooyinkooda, xilli sidoo kale ay jirto yaraanta sahaydii muhiimka ahayd.