Allbanaadir.com
NEWS

Madax ka kala socota Somalia & Itoobiya oo ku wada sugan..

Jabuuti Waxaa shalay gaaray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ka dib casuumad uu ka helay dhigiisa Jabuuti.

Socdaalkiisu Waa Hal Maalin, Waxaana Qoraal laga soo saaray Villa Somalia lagu sheegay inay labada Madaxweyne ka wada hadli doonaan Danaha labada Wadan.

Waxaa isna tagay Isla Jabouti Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia Dr. Gedion Timothewos, isagoo la kulmay Dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibada ee Djabouti.

Lama oga inuu xiriir ka dhexeeyo Safarka Madaxweynaha Somalia iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia ku tageen Jabuuti, mana jiraan calaamado muujinaya arrintaas

Dhinaca kale Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee haya talada Somaliland ayaa isna maalmahanba ku sugnaa Jabouti, iyagoo kormeeray Xafiiska Somaliland ee Jabuuti oo intii u dambeysay muddo xilleedka Madaxweynihii hore xirnaa Maadaama ay Somaliland iyo Jabouti Cilaaqaadka isu jareen bilihii u dambeeyey ee uu xilka hayey Muuse Biixi.

Si kastaba lama garanayo waxaa isku soo beegay wufuudan ku wadan sugan Jabuuti, waxayna ku soo aadeysaa xili xiisado iyo isbedelo siyaasadeed ay ka socdaan geeska Afrika.

Related posts

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Puntland oo qabatay hub kala duwan & shaqsiyaad (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaar ka mid ah Shirkadaha waaweyn ee caalamka oo xanibaad saaray Ruushka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---