Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey khasaaraha dagaalka Galbeedka Mudug

Xiisad colaadeed ayaa weli ka taagan degaanka Jiicboor oo ka tirsan gobolka Mudug halkaasoo ay maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda  maamulada Puntland iyo Galmudug.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalka Jiicboor ee galbeedka gobolka Mudug iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo maleeshiyooyinka ay isku adeegsanayaan hub kala duwan oo u badan qoryaha fudud

Inta la  xaqiijiyey dagaalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimashada 11 qof iyo dhaawaca 20 kale shalay oo kaliya, waxaana jira warar khasaaraha intaas ka badinaya

Waxaa socda dedaalo lagu doonayo in lagu joojiyo colaada oo ay wadaan waxgarad ka tirsan labada beelood iyo masuuliyiinta labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland inkastoo aan weli lagu guuleysan in xabada la joojiyo.

Dagaalka ayaa salka ku haya muran la xiriira cida maamuleysa Jiicboor oo ah dhul abaar ah oo aan laheyn wax nafci ah kuna wanaagsaneyn daaqsiinka arrintaasoo ah arrin nasiib daro ah.

Labada beelood ayaa horey loogu heshiisiiyey gogol ay dhigeen maamulada Puntland iyo Galmudug hase ahaatee heshiiskaas ayaan muddo kooban ka dib burburay ka dib maleeshiyo ka tirsan labada beelood ay dilal isku geysteen.

Related posts

Xasan Shiikh iyo Siyaasiyiin kale oo lagu soo dhoweeyey Garoowe (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shan qof oo Soomaali ah oo lagu helay dambi la xiriira kiis malaayiin dollar lagu xaday

Cabdi Cade

Xukun dil ah oo maanta lagu riday Askari dil u geestay Wiil Dhalinayro ahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---