Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka Wadahadleen Taliye Asad & Guddoomiye Amiir?

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir iyo Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa kullan looga hadlayey xoojinta wada-shaqeynta Booliska iyo Maamulka gobolka ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa la wadaagay Gudoomiyaha gobolka Banaadir inuu diyaar la yahay is waafajinta qorshayaasha amaan ee Booliska iyo maamulka cusub ee gobolka Banaadir, si kor loogu qaado amaanka Caasimadda  ee Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi uga mahadceliyey soo dhaweyntiisa

Waxaa uu ku bogaadiyey isbadalada amni ee Boolisku sameeyeen, waxaana uu balan qaaday in wada-shaqeyn joogta ah yeelanayaan si looga baaqsado dal dalool kasta oo ragaadin kara amniga guud ee dalka gaar ahaan kan Gobalka Banaadir.

Related posts

Xukun lagu riday Dad la socday gaari lagu qabtay isaga oo wada agabka qaraxyada loo adeegsado

Cabdi Cade

Qorshayaal Farmaajo xal ugu raadinayay Kiiska Dilka Ikraan Tahliil oo Fashilmay !!

Cabdi Cade

Guddiga Anshaxa & Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Somaliland oo Shuruudo soo bandhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---