Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa galabta Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ku booqdey dadkii shacabka ahaa ee dhawaan ku dhawaacmey dagaalkii ku dhacay deeganka Dacawalay dowlad degaanka Soomaalida
Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dadka dhaawaca ah ayaa Alle uga baryey inuu caafimaad Sareecana siiyo una Boogo dhacayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxa uu ka hadlay dhibaatadii ka dhacday deegaanka Dacawaley ee lagu laayey dadka shacabka ah
Waxaaa uu hoosta ka xariiqay inay dedaallada dhibtaas lagu deminayaa meel fiican marayaan, isaga oo tacsi u diray dadkii dhacdadaas ku geeriyooday oo gaaraya ku dhowaad 150 qof, kuwa ku dhaawacmayna u duceeyey, waxana uu yidhi, “Meel fiican ayey marayaan dadaallada aynu dhibaatadaas xalkeeda ugu jirnaa, in sha Allaahna guul ayaa ay ku dhammaan doonaan. Waan ka xunnahay dhibaatadaas dhacday, waajibka ugu weyn ee yaallaana waa in khasaaraha halka ugu yar ee suurtagal ah aynnu ku joojinno, kana hortago in dhibtu soo noqoto. “